Gabar afar jir ah oo ka badbaaday shil kadib markii ayka dhacday baabuurkii ay saarnayd

Magaalo ku taal dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Wenzhou ayaa waxaa ka dhacday dhacdo la yaab ku noqotay dadka.

Aabe iyo gabar uu dhalay oo wada saarnaa baabuur uu aabuhu darawal ka ahaa ayaa dhacday in gabadhii baabuurka oo socda intey iska furtay albaabka ka soo booday.

Hase yeeshee gabadha aabaheed ayaa si degdeg ah ugaga soo booday isagiina baabuurkii uu waday waxana uu qabtay gabadhiisii oo baabuur kale halis u ahayd inay dardaraan.

Aabaha dhalay gabadha ayaa sheegay in gabadhu ay fadhidey kursiga dambe ee gaariga balse intey si tartiib ah kursiga hore u timid ayay albaabka iska furtay kadibna ka dhacday gaariga.!!!!

Taleefishinka lagu magacaabo CCTV ayaa sii daayay muuqaalo laga arki karayay gabadha oo ka soo dhacaysa baabuurka kuna dhacaysa wadada iyadoo si dirqi ah ugaga badbaaday lugta dambe ee baabuurka.

Baabuur daba socday ayaa si degdeg ah uga istaagay gabadha. Hase yeeshee baabuurkii ay gabadha dhacday iyo aabaheed wateen ayaa geed wadada ku dhinac yiil ku dhacay. Gabadha ka badbaaday shilkan ayaa la sheegay in dhib badan uusan gaarin marka laga reebo nabaro yar yar.