Gabar 18 bilood jirta oo katirsan baarlamaanka Yurub

Qisada Victoria ayaa soo bilaabatay kadib markii ay hooyadeed diiday ineey uga soo tagto shaqaalaha xanaaneeya caruurta yar yar, taas ayaana keentay in gabadhaan halsano jirka ah ay waqtigeeda badanaa ku qaadato baarlamaanka yurub dhexdiisa tan iyo markii ladhalay.

Gabadhaan yar ayaa mar marka qaar si iskeed ah uga qayb qaadata cod dhiibashada ama gacan taaga go’aanada qaar sida aad sawirkaba ka aragtaan.

Ereyga “Mama” ayay Victoriya lasoo gashay hoolka baarlamaanka yurub iyadoo jirta 18 bilood, Vivtoria waxay ku bar baartay kuraasta baarlamaanka yurub, halka ilmaha asaageeda ahna ay ku jiraan ku ciyaarida waxyaabaha caruurta ku madadaalaan.

Victoria, ayaa wax saameen ah ku yeelan qudbadaha ay soo jeediyaan siyaasiyiinta kujirta baarlamaanka yurub, laakiin dareenkeeda waxa uu yimaadaa marka la gaarayo go’aanada qaar ama markeey jirto cod bixinta iyadana dhankeeda ayay ka taagataa iyadoo ku daysaneeysa xilibaanada ku sugan hoolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here