Gabar 15 jir ah oo Muqdisho uu ku jiiray Gaari Wasiir Leeyahay

h

Gaari uu leeyahay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dowladda Faderaalka Soomaaliya,Siciid Cabdilaahi Dani ayaa waxa lasheegayaa in uu gabar da’yar ku jiiray Magaalada Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay meel ku dhaw Dekada Magaalada Muqdisho waxaana gaariga Wasiirka uusan ujoogsan gabadha 15 jirka ah uu Jiiray hore ayuuna usii dhaqaaqay sida dad goob joog ah sheegeen.

Gabadha ayaa dhaawac noqotay waxaana hadda lagu daweynayaa Cusbitaalada Muqdisho mid ka mid ah.

Weli ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dowladda Faderaalka Soomaaliya,Siciid Cabdilaahi Dani oo isagu gaarigiisa gabadhaan yar jiiray inkastoo xilliga falka uu dhacayey wasiirku aan la socon sida la sheegay.

Hore Muqdisho waxa uga dhacay in gaadiidka ay wataan Ciidanka AMISOM ay jiiraan dad marayey waddooyin ku yaalla Muqdisho waxaana jirin weli mak dhaw ay ciidanka AMISOM siiyeen dadkii ay ku jiireen Muqdisho Eheladooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here