Gabadhi ugu horeysay oo iyada oo wada walxaha qarxa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Ciidamada nabad sugida dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay gabar dhalinyara ah oo waday miinooyin ay damac saneyd in dhigto Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Gabadhan oo lagu magacaabo Ikraan Cumar Maxamed isla markaana ah 28 jir ayaa laga qabtay Isgoyska Ex-koontarool kadib marki ay miinada kasoo qaaday Ceelasha Biyaha oo hada ah fariisinka ugu weyn ee Al Shabaab deegaanada u dhaw magaalada Muqdisho.

Ikraan oo wariyaasha kula hadashay xarunta nabad sugida ayaa qiratay in ay Al Shabaab ka tirsantahay sidoo kalana ay horay u dhigtay meelo muhiim ah oo magaalada Muqdisho ka tirsan miinooyin iyo walxaha qaraxa.
“Ceelasha Biyaha ayaan ka imid waxaan waday Miino, nin ayaa iisoo dhiibay waxaan u shaqeynayey Shabaab, waxaan ku biiray sanadki 2011 waxaan ahay 18 jir, cideena ayaan kasoo tagay oo aan isa soo dagaalnay marka waxaan u galay Al Shabaab sidi aan lacag uga heli lahaa, laba jeer ayaa horay u dhigay miinooyin, mar waxaan dhigay Isgoyska Bakaaraha, marna Isgosyka H/wadaag, marna Baar Ubax.” ayey tiri gabadhan.

Dhanka kale hey’ada Nabad Sugida ayaa soo bandhigtay wiil isna lagu qabtay isga oo wada walxaha qarxa kaasi oo magaciisa lagu sheegay C/rashiid Nuur Faarax oo sheegtay inuu yahay 18 jir.
Wuxuu sheegay in aysan qaban ciidanka dowlada balse uu isa soo dhiibay sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga ayaa wacday ee maley qaban aniga waxaan rabay in leey aamino, marka rag baan la heshiiyey waxaan kula heshiiyey in aan dad u keeno alaabtiina u keeno, waxaan wadnay miinooyin sidaasi daraadeed aniga waan isa soo dhiibay,” ayuu yiri.

Ma ahan marki ugu horeysay oo ay ciidamada dowlada soo bandhigaan dad ay kusoo qabteen walxaha qarxa, laakin waxaa ku cusub dadka Soomaaliyeed in marki ugu horeysay qof dumar ah lagu qabto iyada oo wada miino.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.