Gaas: waxaan kor u qaadi doonaa kalsoonida shacabka

2014124635261438326876121GaasMadaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inuu kor uqaadi doono Kalsoonida Shacabka Puntland.
Siyaasadda gudaha iyo kalsoonida ay dadku dowladda ku qabaan ayuu sheegay inuu kor u qaadi doono maadaama kalsoonida shacabku ay lagama maarmaan u tahay shaqada dowladda gaar ahaan sugidda ammaanka.

Kaabeyaasha dhaqaalaha ayuu Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay horumar ballaaran ku sameyn doonto iyadoo dhanka kale si aad ah uga shaqeyn doonto tayeynta iyo dardargelinta adeegyada bulshada gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, tamarta iyo bihaha.

Wejiga labaad ee xafladda  ayaa dhici doona gelinka dambe ee maanta, waxaanamunaasabad casho-sharaf ah loo sameyn doonaa wufuudda lagu casumay munaasabadda caleema-saarka iyo dadka kale ee ka qayb gelaya oo ay tiradoodulabo kun oo qof ku dhow dahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here