Gaas puntland waxay u baahantahay

Gaas oo arday u khudbeeynaya
Gaas oo arday u khudbeeynaya

Gaas, oo kamid ah musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxtinimada maamulka Puntland, oo Galabta booqasho ku tagay Xaruunta Jaamacada Puntland Staate University, ayaa waxa uu halkaas khudbad ugu jeediyay Arday farabadan oo Jaamacadaas wax ka barata.

“Puntland uma Bahna Isbedel Siyaasadeed keliya Waxay u baahantahay Isbedel Tacliimeed Mid Dhaqaale Horumarin iyo mid Amni oo si dhaqso ah lagu gaaro” ayuu yiri Gaas

Gaas ayaa Ardayda  u ballan qaday hadii uu ku gulaysto iyo haddi kalaba in wax badan uu ka qabanayo dhanka Tacliinta isagoo balanqaaday in uu Wakhtigiisa qayb kamid ah uu siin Doono sidii uu Jamacadda Casharo uga bixin lahaa, taasina waxay sababatay in Ardaydii ay Sacab iyo farxad la sara Istaagan iyagoo Xiisaynayay Balanqadkaas.

Qaar kamid ah Ardayda ayaa Musharaxa su’alo ka weydiiyay waxyabo badan oo Maanka ay ku hayeen, qaar waxay wax ka weydiyeen Dhanka Cadaaladda waxa uu ka qabanayo haddi uu ku Gulaysto Doorashada qaar waxay wax ka weydiyeen Dhanka Waxbarashada, halka Qaarkoodna ay tilmaameen Su’alna ka weydiyeen waxa uu ka qabanayo haddi uu ku Gulaysto qaladad badan oo ka muuqanayo Dhanka Maamulka iyo Hay’adaha Dowladda, Maamulka Wakhtigiisa sii dhamanayo.

Musharax Gaas wuxuu balan qaday in uu wax ka qaban doono Dhinacyo badan oo la ilaaway sida Musharaadka Ciidamada iyo Shaqalaha oo Maalinkasta bulshada iyo Hay’adaha Dowladdaba u haya Adeeg Xusid mudan, wuxuuna ka Jawaabay Dhamaan Su’alaha Ardayda isagoo taabtay in Isbedelka uu Doonayo ay ka dhex Muqan doonan Dhamaan waxyabaha ay Bulshada tabayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here