Cadeyn: Gaas oo ugu dambeyn Tedros kasoo aqbalay qaadashada Nidaamka 4.5

Gaas iyo Tedros Adhanom
Gaas iyo Tedros Adhanom

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, Cabdiwali Cali Gaas, oo horay uga hor yimid inuu aqbalo in doorashada soo socota ee dalka lagu saleeyo nidaamka 4.5, ayaa ugu dambeyn kullan uu shalay la qaatay wasiirka arrimaha dibada Tedros Adhanom, ka aqbalay in maamulkiisa uu taageero nidaamka 4.5/

Gaas iyo siyaasiyiinta Puntland ayaa horay ugu gacan seeyray dadaalo ay wadeen madaxda DF iyo kuwa Beesha Caalamka.

Wasiirka Arimaha dibada Dalka Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesos oo bartiisa Facebook soo dhigey qoraal ayaa sheegey inuu la kulmey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxmad Cali Gaas.

1455688007.vq8UmJ0uyiLhSUv1

Tedros ayaa qoraalkaan ku xusey in madaxweynaha Puntland uu kala haday qaabka doorashada Somalia ka dhaceysa August 2016 isagoo xusey in wadankiisa uu daneynayo In xasolooni uu helo wadankan dagaalka ku jirey mudada dheer.

Dhinaca kale waxaa socda dadaal beesha caalamka ku dooneyso kulan bishaan dabayqadiisa dhinacyada Somalida loogu qabanayo dalka Turkiga.

Dowlada Ethiopia ayaa la rumeysan yahay iney kamid tahay  wadamada raadinaya in dabada ka riixeysa in madaxda Somalida la isugu geeyo Dalka Turkiga halkasoo lagu saxiixi doono in doraashada Somalia lagu galo qaabka 4.5.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here