Gaas oo shaaciyay ineey Puntland ka go’eyso Soomaaliya hadii…

Madaxweynaha Puntland Gaas
Madaxweynaha Puntland Gaas

Sida uu qoray wargeyska Kaah Bari oo kasoo baxa Puntland, Madaxweyne Gaas ayaa sheegay ineey Puntland ka go’eyso Soomaaliya inteeda kale, hadii beesha Caalamka iyo DF ay ku adkeystaan meel marinta nidaamka 4.5.

Wargeyska ayaa qoray, in Madaxweyne Gaas iyo maamulkiisa ay ka fikiraayaan qaadashada 3 go’aan midkood, kuwaasoo kala ah.

  • Ineey aqbasho qaabka doorasho 4.5 oo ay gor gorton cusub ka gasho.
  • Ineey Soomaaliya ka go’do.
  • Iyo ineey ka baxdo waan waanta ay wadaan Beesha Caalanmka, oo ay xaalad kale adeegsadaan.

Kadib wadahadaladii fashilmay ee maalmo kahor ka dhacay Garowe, islamarkaasina u dhaxeeyay wakiilada Beesha Caalamka iyo maamulka Puntland, ayaa waxaa markale lagu balamay wadahadalo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here