Gaas oo saxiixay ka hortaga gudniinka Gabdhaha

IMG_0266Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa galabta saxiix ku duugay Barnaamij lagula dagaalamayo gudniinka Xun Xun ee Dumarka lagula koco waxaana isla kulankaasi goob Joog ahaa Madaxda Wasaarada Haweenka iyo Saraakiil kale oo ka tirsan isla Wasaaradaasi.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in uu Qalinka ku duugay la dagaalanka Gudniinka Xun xun ee Hablaha lagila koco kadib markii uu arintaasi kala kaashaday Golaha Wasiirada iyo Culimada waa wayn e Puntland, wuxuu dhankiisa ku baaqay in la ciribtiro Gudniinka Haweenka ee sida xun loo jidaystay.

Madaxda Wasaaradda haweenka ayaa aad uga Mahadcelshay Saxiixa Madaxweynaha iyo in la guda galo la dagaalanka Gudniinka Xun ee iyagoo sheegay in Wax walba ay ka hormarin doonaan Badbaadinta Malaayiinta Dumar ee Sanad kasta Aqoondari Darteed jirkooda loogu jarjaro.

Isla Saxiixaasi uu Madaxweynuhu sameeyey wuxuu kaga faa’iideystay in uu dhamaan hambalyo u diro Haweenka Soomaaliyeed qaasatan haweenka Puntland Munaasabada 8March oo ku Asteysan Maalinta Haweenka Aduunka, isagoo u rajeeyey Sanadkan Sanadkiisa in ay ku gaaraan Waxtar iyo Midnimo.

Xigasho:RBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here