Gaas oo la kulmay odayaasha Garacad

Gaas oo la kulmay odayaasha Garacad
Gaas oo la kulmay odayaasha Garacad

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqanaya deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa xalay la kulmay odayaasha dhaqanka ee deegaankaas.

Odayaasha ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu wax ka qabto adeegyada bulshada ee deegaanka oo ay sheegeen inay liitaan.

Madaxweynaha ayaa ballan-qaaday in la howlgelinayo adeegyada bulshada.

Wuxuu ka codsaday odayaasha dhaqanka inay gacan ka geystaan dagaalka uu maamulka kula jiro burcad badeedda.

Garacad waxay ka mid ahayd deegaannada ay saldhigyada ku leeyihiin kooxaha burcad badeedda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here