Gaas oo la kulmay madaxda Hay’adda ICRC Somalia

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliya Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa galabta gurigiisa   ku qaabilay masuuliyiinta ugu sarreeya Hay’adda ICRC Ee Somalia .

87

Masuuliyiinta ICRC ayaa Madaxweyne Gaas  uga mahad naqay sida wanaagsan ee uu u qaabilay, saraakiisha ICRC ayaa kala ahaa Mr. Patrick Vial oo ah Madaxa ICRC Somalia, Mr. Patrick Hamilton oo ah Ku Xigeenka Madaxa ICRC, Abshir Cumar Huruuse oo ah Madaxa ICRC Puntland.

Masuuliyiinta ICRC ayaa Madaxweyne Gaas sharaxaad ka siiyay mashaariica ay Puntland ka qabtaan iyo kuwa la fulin doono, waxayna sheegeen in wax qabadoodu uu salka ku hayo arrimahan.

1- Gar-gaarka Dhaawacyada Dagaalada Iyo Masiibooyinka.
2- Qodista Iyo Dayactirada Ceelasha Biyaha iyo barkadaha.
3- Dayactirka Faya 
 Iyo Tababarda Xabsiyada Bosaso/Galkacyo.
4- Daaweynta Xoolaha.

Madaxweyne Gaas ayaa dhankiisa hay’adda ICRC uga mahad naqay sida wanaagsan ee uga shaqeeyaan arrimaha bulshada, wuxuuna ku adkeeyey inay sii xoojiyaan.

Kulanku intuu socday waxaa si qotta dheer looga hadlay dar-dar gelinta mashaariicda ay ICRC ka wado Puntland iyo arrimo kale, waxaana ICRC ay ballan qaaday inay sii laba jibaarayso howlaha ay Punyland ka qabato.

-DHAMAAD-

610 87 147 148 227 319 512

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here