Gaas: “Meesha noogala soo duulay waa Muqdisho ee Cadaad kaliya maahan” (Video)

img_9189-1Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Meesha Gaalkacyo looga soo duulay aysan Cadaado kaliya ahayn balse Muqdisho looga soo duulay, waxaana uu DF ku eedeeyay ineey iyadu masuul katahay dagaalka isbuucii labaad ka socda Gaalkacyo.

“waad la socotaan Galkacayo waxaa laga wadaa dagaalo, dagaalkaas oo aan ahayn mid Cadaado kaliya laga soo duulay, ee meesha dalka lagaga soo duulay Xamar weeye, waxa ku soo duulaya oo shidadaas wadaana, runtii qayb weyn oo mug leh ku leh waa dowladda federaalka Soomaaliya”

Wuxuu sheegay inuusan garanayn oo ay ku adagtahay in dowladnimo lala wadaago wuxuu ugu yeeray cadow Duulaan joogta kugu aha, iyadoo buu yiri in dulku uu ku jiro xili doorasho,

Halkan ka daawo hadalka Gaas:

“ Doorashooyin ayaa laga hadlayaa iyo in dowlad la dhiso 2016ka oo isbedel yimaado, Dabcan cadow duulaan kugu ah 24 saaco si wax loola dhisanayo oo dowladda loola wadaagayo maba garanayo runtii” ayuu yiri , wuxuuna sii raaciyay in masuuliyada wixii ka dhasha dagaaladaas ay qaadi doonaan madaxda federaalka ee Xamar fadhida

“ Waxaanu rabnaa qof kastaa in dhiniciisa uu huro nabad oo horumar laga shaqeeyo , intii laga shaqayn lahaa in dadka dhiigooda la daadiyo, Laakin maalin walba duulaan joogta ah, xasarad joogta ah iyo dhibta joogta ah in la wado waxay anfacayso ma jirto, wixii ka yimaadana dabcan madaxda dalka oo ay ugu sareeyaan nimanka xamar jooga ayaa ka masuul ah wixii ka yimaada”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here