Gaas iyo Shariif xasan oo Kahadlay sideey u arkaan Guusha Jawaari (Dhageyso)

Ra’iisal Wasaare Cabdiwali M. Cali-Gaas iyo Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa ka u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

Gudoomiyihi jagadaan uga horeeyay ayaa isna waxa uu kawaramay sida uu u arko doorashada maanta dhacday ee gudoomiyaha baarlamanka logu doortay Prof. Jawaari.

“In maanta lahelo baarlamaan cusub iyo Gudoomiye cusub waa wax aad uwanaagsan,waxayna timaameeysaa Dimoqraadiyad,sidookale waxay calaamad u tahay in ammaanka muqdisho laysku haleyn karo,waana markii ugu horeesay mudo 20sano ah kadib ee muqdisho lagu qabto doorasho nuucaan oo kale ah” ayuu shariif xasan usheegay laanta afka soomaaliga ee VOA-da.

Dhageyso Wareysiga oo Dhan

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/08/gaasiyoshxasan1.mp3″]

Shariif Xasan ayaa waxa uu kamdi ahaa dadka sida aadka ah ugu ololeenayay musharaxa laga guuleeystay ee Cali Khaliif Galeyr inuu qabto xilka afhayeenimada baarlamanka.

Shariif Xasan in kastoo laga guuleeystay muarashaxii uu taageersanaa hadana waxa uu uhanbalyeeyay gudoomiyaha Cusub ee ladoortay Prof. Jawaari.

Shariif Xasan ayaa mar laweydiidayay sida uu u arko in nin ay isaga isku beelyihiin ku guuleeysto jagada gudoomiyenimada Baarlamanka maadaama uu isaga ahaa murashax u tartamayay jagada madaweynanimada waxa uu ku jawaabay: “Mushkilo malahan sideey noqotaan arkeeynaa,waana dareensanahay in awoda lagu qeybsado 4.5, marka wax dhibaato ah malahan,lakiin aniga waxaan horay udalbaday in doorashada madaxtnimada lasoo hor mariyo sida ay cadaalad udhacdo,laakiin saaxibada aan isku dhownahay ayaa jecleystay in lasoo hor mariyo dorashada Afhayeenka baarlamanka,insha alaahw ax dhibaato ah malahan”ayuu shariif xasan ku jawaabay.

Siidokale Shariif Xasan waxaa laweydiiyay waxa uu ku qiyaasi lahaay doorkiisa siyaasadeed maadama hada ladoortay Gudoomiyihii Baarlamanka tii madaxweynahana ay harsantahay? waxa uuna ku jawaabay: “Runtii waa wax aad iyo aad u fiican waxaana isleeyahay wax fiican ayaa dhici doona,waana ku faraxsanahay sida dimoqraadiyada ah ee wax usocdaan,waxaana isleeyahay in xilibaanada ay dooraan doonaan nin hogaamiye ah aadna uwanaagsan bulshadana ay ku qanacsantahay”.

Shariif Xasan sidookale waxaa kaluu sheegay in uu wadatashi lasameyn doono saaxiibadiis taasoo ku aadan musharaxnimadiisa madaxtnimada Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumada KMG C/wali Gaas ayaa isna kahadlayay aragtidiisa ku aadan sida uu u arko guusha Jawaari waxa uuna yiri; “waxaan u arkaa doorashadaasi doorasho xalaaleey ahayd,doorasho saxeey ahayd,waana mirihii aynu kasoo shaqeeyneeynay Road map-ka xukuumada halka sano waday,waana juhdigii iyo shaqadii aynu galinay,Kumeelgaarnimadiina waa dhamaatay intaasoo dhana waxay tusaale utahay shaqadii aan qabanay”ayuu yiri DR Gaas.

Gaas wuxuu kaloo sheegay inuu aad ugu faraxasanyahay doorashada Prof. Jawaari,waxa uuna ku tilmaamay nin aqoonayahan ah,khibrad dheerna uleh howlaha maamulka dowliga,maadaama uu wasiir kasoo noqday xukuumadii Maxa’ed Siyaad Barre.

C/wali Gaas ayaa laweydiiyay isna sida ay tahay rajadiisa musharaxnimada Madaxweyninimo maadaama usuan jagada Afhayeenka baarlamanka kusoo bixin nin ay isku beel yihiin waxa uuna ku jawaabay: “Runtii rajada aan leeyahay waa mid aad usareeysa waxaana ku tashanayaa wax qabadkayga halka sano ah intii aan hayay xafiiska wasiirka kowaad ee xukuumadii badbaado qaran,sida nabad galyada,dhaqaalaha,musuqmaasuqa,oo aan wax badan kaqabtay,sidokale waxaan ku tashanaa dib uheshiisiinta ay xukuumadeyda ka geysatay gobolada dalka qaar katirsan”ayuu yiri Gaas oo isna kwaramayay sida uu u arko guusha Jawaari.

Gaas ayaa sidokale sheegay inuu ku kalsoonyahay in isaga lo dooran doono jagada madaxweynaha dalka soomaaliya,maadaama ay xukuumadiisa wax weyn kaqabatay in dalka uu yeesho dastuur iyo in laga saaro kumeelgaarnimada.

Labadan amsuul ayaa labadoodaba waxaa si kala gooni ah ay saameeyn ugu lahayd labada musharax ee kala ahaa Cali Khaliif Galeyr iyo Prof Jawaari,sahariif Xasan waxa uu aad uga soo horjeeday in Jawaari uu ku Guuleeysto Jawaari maaxayeelay waxa uu aksoo jeedaa beesha digil iyo Mirifle taasna waxay caqabad kunoq hankiisa ku aadan musharaxnimada madaxtinimada,waayo haduu jawaari guuleeysto shariif xasan uma suurta galeyso inuu isna helo jagada madaxtinimada.

Dhanka kale Gaas ayaa isna waxaa wadna qabad ku ahaa musharaxnimada Cali Khaliif Galeyr oo ay isku meel kasoo jeedaan hadii uu maanta guuleeysan lahaayna ay meesha kabixi lahayd musharaxnimada C/wali gaas oo raja weyn kaleh jagada madaxtinimada inuu ku guuleeysto.

1 COMMENT

  1. FIRCOONADAAN ILAAHEEY UMADDA WUU DHAAFSIIYEY ALXAMDU LILLAAH, WAXAANA KUWA LA DOORTEY KA CODSANEYNAA INEYSAN MARIN WADADII DULMIGA IYO CADAALAD DARADA KU SALEYSNEED.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here