Gaas: Galmudug awalba DF ayaa gardaro ku dhistay gardana kusoo hubeysay

IMG_8892Wefdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland ee Garoowe.

Wefdiga waxaa Garoowe ku soo dhaweeyey  Madaxweynaha Puntlad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlama Axmed Cali Xaashi.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Cali Gaas ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka qeyb qaadatay dagaalka Gaalkacyo ku dhex maray Puntland iyo Galmudug, isagoo sheegay in ciidamadii qalabka siday ee Somalia iyo hubkii dowladda ay ka qeyb qaadeen dagaalkaasi.

“Dowladda Federaalka iyadaa sharci darro ku abuurtay Galmdudug, iyadaa sharci darro ku hubeysay Galmudug, iyadaa haddana sharci darro ku taageereysa dhibaatada ay wado” ayuu yiri C/weli Gaas oo hadalkaan ka jeediyay soo dhoweyntii wafdigii Axmed Madoobe ee Garowe tegay.

Halkaan ka dhagayso codka Gaas:

2 COMMENTS

  1. Been banadanaa. Wax ka jiro maleh.. Dowladda federaalka Soomaliya, hadii aysan Jiri lahayn Magaaladda gaalkacyo dhan waa lagaa sari laha. Dulmiga aad magaladda iyo goobaha kale ee soomaliya ka waddana waa lagaa qaban lahaa…

    Waxa waan waanta waddo ee dib u Heshiisiiinta ka shaqeynaayo.. waqtiga geliyaano in Xal Nabaddeed oo Buuxa la gaaro Soo maha dowladda Federalka soomaliya.!

    Gaas, ciladda waaa xagaaga runta haddii laga hadlo. sababtoo ah waxaa jeceshay Qabiilka. Majeerteen oo qabiil yar ah baad rabtaa in dhulkii soomaliyeed aad ku boobto. Taasina maaha wax caqliga galaayo.

    Qofka marki uu yahay Qof masuul ah, shacabka Xil u haayo. haddii hadalkiisa & ficilkiisa ay is waafaqi waayan. qofkasi ma suul ma noqon karo.! waana calamadd kamid ah kuwa munaafaqnimadda.

    Soomaliya waa federal, waxaan rajeynayaa inaad ku ekaato Goobaha aad adigu maamusho. ee aadan isku dhex qaldin degaanadda. Maamul goboleedka puntland. waa maamul goboleed ka keliyah ee u baahan in dib loogu noqdo, qaaab dhismeedkiisa. sababtoo ah dadyahow badan oo idin la degan ayaa dhulkooda si been ah ku sheegataan. Taasina waa in laga wada fariista oo xal fiican lag gaara. hadii aysan sidaasi dhicin. Fahamkiina ku sabsan federlismka ayaa ah mid AAD U QALDAN.

    W.T

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here