Gaas: Amaandarada Puntland waxaa sabab u ah maamulka Faroole

SONY DSCC/wali Maxamed Cali Gaas, oo kamid ah Musharaxiinta sida weyn ugu tartamaysa Xilka madaxtinimo ee maamulka Puntland, ayaa Xalay waxa uu ka qeyb galay xaflad soo dhaweyn ahayd oo loogu sameeyay magaalada Qardho.

Gaas, oo halkaas ka jeediyay Khudbad, ayaa waxa uu soo hadal qaaday Amaan xumida maalmahaan ka taagneyd qeybo kamid ah Puntland, waxaana uu eeda dusha kaga tuuray maamulka uu hada Hogaamiyo M/weyne Faroole.

Gaas, ayaa sheegay in Ciidamada ku sugan magaalada Boosaaso aan mudo wax mushaar ah la siinin, taasna ay keentay qaraxyaa iyo dilalka ka dhaca.

C/wali Gaas, oo haatan Olole xoogan ka wada qeybo kamid ah Puntland, ayaa sheegay in hadii isaga loo doorto xilka M/weyninimo uu waxbadan ka qaban doono Amaan xumida hada ka jirta Puntland.

C/wali Gaas, ayaa kamid ah Musharixiinta ugu cad cad ineey ku guuleystaan Doorashada madaxtinimada Maamulka Puntland, waxaana uu horay R/wasaare ugu soo noqday Doowladii KMG ahayd ee uu hogaaminayay M/weyne Shariif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here