Gaari uu leeyahay Nabadoon Xaad oo lagu qarxiyey Wardhiigleey

Qarax ayaa xalay lala beegsaday gaariga gudoomiyaha odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye, nabadoon Maxamed Xasan Xaad kaasi oo u socday hoyga nabadoonka oo ku yaala degmada Wardhiigleey.

Baabuurka oo xiliga la beegsanayey ay saarnaayeen ilaalada nabadoonka oo qura ayaa waxaa ku dhaawacmay laba afar ruux oo laba ka mid ahi ahaayeen rayid wadada marayey sida uu xaqiiyey nabadoonka oo saakay ka warbixiyey.

Waxa sidoo kale ku jira dadka dhaawaca ah laba ka mid ah ilaalada Xaad oo lagu sheegay dhaawacooda mid halis ah.

“Wiilasha waa garaabo dhaawac xoog leh ayaa soo gaaray waxay ahaayeen laba wiil iyo gabar, gabadha mar hore ayey kasoo dagatay, waxaa kale oo la ii sheegay in dhaawacyo kale ay soo gaareen dad rayid ah,” ayuu yiri.

Qaraxa lala eegtay gaariga Xaad ayey dadka qaar leeyihiin waxa lagu rabay in lagu qaarijiyo nabadoonka oo mar saf kula jiray kooxaha Islaamiyiinta ah mudadi ay socdeen dagaaladi Itoobiya iyo maleeshiyaadki Islaamiga ahaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.