Gaari Muqdisho looga dhacay Dr. Bashkaleeti oo la qabtay

Taliska ciidanka nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo qabteen baabuur horay loogaga dhacay mid ka mid ah dhaqaatiirta ugu caansan magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Dr. C/laahi Sheekh Xuseen ‘Bashkaleeti’.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyey taliyaha ciidanka nabadsugida gobolka Banaadir Khalif Axmed Ereg, gaariga ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen degmada Wardhiigleey halkaas oo gaariga ay ku heysteen ciidamo ka tirsan dowlada oo dhacay.

Dr. Bashkaleeti oo isna la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyey ciidamada dowlada dib usoo furashada gaarigiisa oo ahaa nooca raaxada kaasi oo si xoog ah loogaga dhacay mudo bilooyin ah ka hor.

Ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ayaa mudooyinkan danbe ka waday magaalada Muqdisho howlgalo ay ku sugayaan amaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.