Gaari caawa ay miino kula kacday degmada Yaaqshiid

4 ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 10 ruuxna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib marki baabuur Hoomey ah oo la socdeen miino kula qaraxday degmada Yaaqshiid.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa la kacday baabuurka waxaana markiiba dhintay darwalki iyo dadki saarnaa shirka, sidoo kale waxaa ay dhaawacyo halis ah oo u badnaa adimaha lugaha oo ka go,ay ay soo gaareen dad badan oo ka mid ahaa rakaabki gaariga.

Halka ay masiibadu ka dhacday ayaa ah jidka laamiga ah ee loo yaqaano Jiira Garoob oo ka mid ah Wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho, waxaana aad u bur buray gaariga oo ka yimid Isgoyska Fagax kuna sii jeeday xaafada Suuq Bacaad.

Lama oga in si ula kac ah loo beegsaday baabuurkaasi rakaabka ah iyo in uu miinada si ula kac ah ugu istaagay.

Waa qaraxi ugu horeeyey oo ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo marki la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here