Gaari ay leedahay Amisom oo wiil dhalinyara ah ku jiiray Muqdisho

Mid ka mid ah baabuurta qafilan ee ciidamada AMISOM ayaa maanta wiil dhalinyara ah ku jiiray isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Wiilkan oo marki gaariga uu jiirayey isku dayey inuu gooyo wadada laamiga ah ee isgoyska ayaa meydkiisa yaalay in cabaar ah goobta, inkasto marki danbe ay qaadeen ciidamada booliska.

Afhayeenka AMISOM, Pady Ankunda oo dhacdadaasi ka hadlay ayaa xaqiijiyey in mid ka mid ah gaadiidkooda uu jiiray muwaadin Soomaaliyeed oo rayid ah.

Wuxuu sheegay in ay aad uga xunyihiin isla markaana ay baarayaan sababihi keenay.

“Waanu ka warheynaa in mid ka mid ah gawaarideena uu jiiray qof rayid ah, aad ayaana uga xunahay, waxaan hada wadnaa baaritaan ku aadan arrintaasi, dib ayaana kasoo sheegi doonaa,” ayuu yiri.

Dabayaaqadki sanadki 2011 ayey aheyd marki ciidamada AMISOM ay ku dileen agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho wariye ka tirsanaa TV-ga dalka Maleysia iyaga oo sidoo kalana dhaawacay gabar la socotay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.