Gaari AMISOM looga Gubay Sh/dhexe & Al Shabaab oo ka Hadlay

gaari-qarax1

Kollonyo gaadiid ah ay la socdeen Ciidan katirsan Midowga Africa kuwooda ka socda Dalka Burundi ayaa waxa weerar lagu qaaday xilli ay marayeen maanta Degmada Raage Ceele ee Gobolka Sh/Dhexe.

Warbaahinta Internetka ee Al Shabaab ayaa lagu daabacay in gaari ay wateen ciidanka Burundi oo ahaa Nuuca Taawga ah uu qaraxa haleelay islamarkaana ay waxyeelo dhimasho iyo mid dhaawac kasoo gaareen weerarkaasi.

Weerarka ayaa loo adeegsaday baa la yiri Qarax miino waxaana Maamulka Degmada Raage ceele aysan weli ka hadlin warkaan kasoo baxay Shabaabka ee ku sheegteen in gaari AMISOM ah ku gubeen degmadaasi.

Al Shabaab ayaa Bilo ka hor laga saaray Degmada Raage Ceele waxaana wareysi idaacada Asal Shalay la yeelatay Gudoomiyaha maamulka Raage Ceele uu sheegay in Amaanka ay sugeen ayna Shabaab ka sifeeyeen sida uu yiri deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here