Van Gaal oo loo dhiibaayo shaqada Man United

an Gaal oo loo dhiibaayo shaqada Man United
an Gaal oo loo dhiibaayo shaqada Man United

Louis van Gaal ayaa loo badinayaa in uu noqon doono macallinka kooxda Manchester United, kaddib markii Talaadadii shaley la ceyriyay David Moyes.

Sidda uu qoray bogga Goal.com, macallinka reer Netherlands ayaa asxaabtiisa u sheegay in uu u socdo garoonka Old Trafford, marka uu dhammaado koonka adduunka.

Sidda uu soo wariyay Goal, Van Gaal ayaa la kylmay wafdi ka socda United toddobaadkii horre, waxaana la filayaa in ay sii socdaan wadahadallada u socda labada dhinac.

Sidoo kale, macallinka Borussia Dortmund, Jurgen Klopp ayaa isna laga yaabaa in uu noqdo macallinka cusub ee United.

“Man Utd  waa koox weyn, waxaan filayaa in aan aad u soo dhaweenaayo in aan noqdo macallinka cusub ee kooxda Man Unt, balse ma rabo in aan burburiyo taageerada Borussia Dortmund iyo dadkeeda.” ayuu sheegay Klopp oo l ahadlay wargeyska Guardian.

Van Gaal,ayaa 63-jir noqon doona bisha August, Moyes ayaa shaqada hayay muddo 11-bil, wuxuuna kooxda ka dhigay koox tacbaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here