Gaafoow “Labo Boqol oo Baasaboorkii Cagaarnaa Ayaan Gacanta ku Heynaa Waana Gubi Doonaa”

Taliyaha Hogaanka jinsiyadaha iyo Socdaalka Dawlada Somalia C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa sheegay in gacanta lagu hayo baasabooradii cagaarnaa oo hore digniin uga soo saartay dawlada inaysan dadka ku dhoofi karin.

Janeraal Gaafoow waxa uu sheegay in 200 oo baasaboorkii cagaarnaa ku qabteen iyadoo dad ku dhoofi rabeen qaarkoodna laga qaadayey garoonka muqdisho maadaama aan hore umamnuucnay.

“Baasaboorada cagaaran waxaa loo dhoofiyaa Maamulada ay ka arimiyaan Deegaanada Puntland iyo Somaliland 200 oo baasabooradaas ayaan heynaa sidaa waxa yiri Janeral Gaafoow ”

Taliyaha hogaanka Jinsiyadaha iyo Socdaalka Dawlada Somaliya C/llaahi Gaafoow ayaa cod dheer ku sheegay in maalmaha soo socda ay gubi doonaan baasaboorada cagaaran ee hore loo mamnuucnay in lagu dhoofo.

Sidoo kale taliyuhu waxa uu ka warbixiyey xaalada garoonka diyaaradaha Adan Cade airport uu ku sheegay inay tahay meel aad uwanaagsan islamarkaana qalab kaamirooyin ubadan lagu xiray gudaha garoonkaasi.

Waxa uu sheegay in qorsheyaal lagu dhisayo garoonka Diyaaradaha Adan Cade Airport ay soconayaan taasi oo la sheegay in 6 bilood gudahood habeen uu shaqeyn doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maalin walbo Adan Cade airport waxaa kasoo daga diyaarado rakaab iyo mid wufuud caalami ah qaarkood la socdaan waxaana dadka qaar ay sheegayaan in isbadal weyn uu ka muuqanayo garoonka diyaaradaha muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here