G. Rodriguez & C.ronaldo oo dhawaan filanaya Mataano-Sawir cadeyn ah

Wararka xanta ah ee ku saabsan in Georgina Rodriguez  uur u leedahay xidiga real Madrid C.ronaldo ayaa hawada isku sii shareeray, kadib markii saakay uu wargeyska Marca ee Madrid kasoo baxa uu daabacay in lamaanahan ay dhawaan filanayaan Mataano

C.ronaldo ayaa bartiisa Instagram waxa uu soo dhigay maalmo yar ka hor sawirkiisii ugu horeysay ee isaga iyo saaxiibtiisa haatan.

Sawirkaas ayaa muujinayay in xiddiga reer Portugal uu gacantiisa midig dulsaaray calaasho Rodriguez taasoo bilow u noqotay wararka xanta ah ee la xiriira uurka ay leedahay saaxiibtiis.

Ka dib markii uu fasax ka qaatay tababare Zinedine Zidane, lamanaahaan ayaa waqti ku qaatay Corsica, waxaana ay caloosheeda ay u muuqatay mid soo bandhigeysa uur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here