Fu,ad Shongole: Ninki Obama soo sheegaa 10 neef oo geel ayaan siineynaa, Hilary Clinton cidi qabar ka keentaa 10 digaag ayuu leeyahay (Dhageyso)

Mid ka mid ah 7 sarkaal oo ka tirsan Al Shabaab oo Khamiisti lasoo dhaafay Mareykanku madaxooda dul dhigay $ 33 milyan ayaa marki ugu horeysay ka jawaabay arintaasi.

Sheekh Fu,aad Maxamed Qalaf Shongole ayaa sheegay in aysan cabdi galin doonin lacagaha la dul dhigay isla markaana dhibaatadan oo kale ay horay gaalada ugu heyn jirtay dadka Muslimiinta ah.

Shongole wuxuu dul dhigay madaxda ugu sareysa Mareykanka gaar ahaan madaxweyne Obama iyo Hilary Clinton xoolo nool sida geel iyo digaag.

Obama ayuu sheegay qofki keenaa in lagu abaal marin doono 10 neef oo geel ah, halka H. Clinton cidi soo sheegta ay diin doonaan 10 diiq iyo 10 dooro.

Dhageyso codka Sheekh Fu,aad Shongole