Fu,aad Shongole: Dagaalkan waa caalami sida kuwa Ciraq, Yemen, iyo Afghanstan

Mid ka mid ah saraakiisha ugu sareyso Al Shabaab ayaa dagaalka shalay ka bilowday duleedka Mudqisho ku tilmaamay mid caalami ah oo lagu soo qaaday Islaamka.

Hadal uu siiyey idaacad ku hadasho codka Al Shabaab, ayuu Fu,aad Maxamed Qalaf Shomngole ku sheegay in dagaalki shalay uu bilow u yahay weeraro sil silado ah oo uu ku sheegay in ay gaalo kusoo qaadeen dadka Islaamka ah ee ku nool Soomaaliya.

Wuxuu ku tilmaamay dagaalka mid la mid ah dagaalada caalamiga ah ee ka socda Ciraq, Afganstan, Yemen iyo Nigeria sida uu hadalka u dhigay.
“Dagaalkaan wuxuu sil silad u yahay dagaal caalami ah oo muslimiinta lagu soo qaaday, dagaalka wuxuu ka socanayaa Ciraq, Yemen, Afganstan, iyo caalamul islaam, ALLE ayaa na amrayo in aan dagaalkan galno,” ayuu yiri Shongole.

Ugu danbeynti wuxuu baaq u diray dad ka tirsan AL Shabaab oo uu sheegay in ay iska fadhisteen, kuwaasi oo uu ka codsaday in ay ka qeybgalaan dagaalka.

Al Shabaab ayaa dagaal uga furanyahay haataan gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya, laakin waxaa haatan ugu daran dagaalka ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ku rabaan in ay ku qabsadaan degmada Afgooye.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.