Frank Lampard Sheegay Inuu Doonayo Inuu Si Joogta Ah U Ciyaaro Ka Dib Guushii Uu Gaarsiiyay Chelsea

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa sheegay inuu doonayo inuu si joogta ah u ciyaaro ka dib markii uu kursiga keydka ku bilowday kulankii ay kooxdiisa 2-1 kaga badisay Manchester City.

Laacibka reer England ayaa ciyaarta soo galay iyadoo ay ka harsan tahay 17 daqiiqo waxaana uu bedelay Raul Meireles oo goolka barbaraha dhaliyay, iyadoo uu Lampard isna dhaliyay goolka guusha oo ahaa rigoore.

33 jirkaan ayaa sheegay inaysan u sahlaneyn inuu kursiga keydka ka soo daawado ciyaarta.

Mar la weydiiyay sida uu arko waxa uu yiri:

“Maya kuma faraxsani kursiga keydka” ayuu ciyaaryahankii hore ee West Ham u sheegay Sky Sports.

“Wax sahlan ma ahan, waxaan doonayaa inaan ciyaaro”

“Marka aan si joogta ah u ciyaaro waxaan soo saaraa qaab ciyaareed fiican. lakiin haatan marna waan ciyaaraa marna ma ciyaaro, lakiin maxaan ka sameyn karaa?”

“Waan dareemayaa madaama aan 33 jir ahay, lakiin wax badan ayaan weli qaban karaa, 18 bilood ayaa iigaga hartay halkaan, waana muddo dheer”

Laacib