FRANK Lampard ayaa la filayaa inuu waayihiisa ciyaareed kusoo xiro kooxdiisii hore ee West Ham.

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa la filayaa in mustaqbalkiisa ciyaareed uu kusoo xiro kooxdi uu kusoo barbaaray ee West Ham ee dalka Ingiriiska.

Xidigaan heerka caalami ee dalka Ingiriiska ayaanan ku faraxsaneyn tababaraha kooxda Chelsea Andre Villas Boas, oo inta badan ku haya kursiga Keydka taasi oo sababtay in uu ku caajiso naadiga.


Lampard, oo hada ah 33 jir ayaa la sheegayaa inuu kooxda isaga tagi doono xagaaga soo aadan hadii aysan waxba iska badalin sida ay haatan yihiin arrimaha.

Lampard ayaa ka tagay kooxda West Ham, sanadki 2001, isaga oo kala soo baxay heerka labaad ee horyaalka Ingiriiska.