France 3 England 3: Faransiiska oo 10 nin ku garaacay Ingiriiska+Sawiro

Sadex gool oo ay kala dhaliyeen Samel Umtiti, Djiril Sidibe iyo Ousamane Dembele ayaa guul siiyay France kulankii saaxiibtinimo ee ay soo dhaweeyeen England iyagoo waliba 10 ciyaartoy ku ciyaaray inta badan qeybta dambe markii casaan laga siiyay Varane.

Ciyaarta ayaa si adag ku bilaabatay – France oo gurigeeda joogta ayaana firfircooni lasoo baxday.
Qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamatay 2-1 oo ay ku hogaamineyso France.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo Southgate uu soo galiyay Walker iyo Butland kana saaray Heaton iyo Bertrand.

CASAAN – Raphael Varane ayaa ciyaarta laga saaray markii uu garsooraha u arkay inuu taabtay Dele Alli oo goolka u furnaa – rigoore ayaan lagu abaalmariyay.

Daqiiqdii 48-aad – GOAL – Harry Kane ayaa barbaro u keenay England markii uu si qurux badan u dhameestiray rigooradii la siiyay qarankiisa.

Daqiiqadii 65-aad: Kylian Mbappe ayaa ku fashilmay inuu u gooyo goolhaye Butland markii uu kubad ka helay Dembele.

Daqiiqadii 70-aad: France ayaa daqiiqad waali ah galisay England – Mbappe ayaa u gooyay Cahill balse birta ayuu ku garaacay, Lemar ayaa ku tuuray – Butland ayaa badbaadiyay mar kale Lemar aaa helay balse daafaca ayaa iska soo saaray.

Daqiiqadii 77-aad: GOAL – Ousame Dembele ayaa hogaanka u dhiibay France markii uu si dhib yar u dhameestiray kubad uu ka helay Mbappe.

Ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasadii badneed ay dagtay iyadoo England ay si gaabis ah u raadisay goolka barbaraha umana suuragalin iney helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here