Fowsiya: Haweenka Soomaaliyeed siyaasada dhib ayay ku qabaan

fowsiyaXildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Somaliya ayaa ka hadashay dhibaatooyinka kala duwan ee Haweenka ka haysta dhanka Siyaasada xilligaan.

Waxa ay sheegtay Fowsiya Yuusuf Siyaasada inay noqotay mid lacag ah oo haweenka intooda badan aysan awood u laheyn in Siyaasada ay ku galaan qarash.

Waxa ay tilmaamtay Haweenka waxbartay ee Jaamacadaha ka baxay inay sii kordhayaan, balse aysan jirin qorshe Siyaasadeed oo Haweenka ay kaga qayb qaadanayaan Siyaasada dalka.

“Siyaasadda markay noqoto mushkuliddu waxay tahay, dhaqaalo xumo, gabadhu  hadday dahab haysatay way gadday, hadday daar lahaydna way iibisay, dhaqaalo darro aaney kula tartami karin raggii ayaa ku dhacay, siyaasadda iyo doorashooyinkuna waxay u baahan yihiin dhaqaale, siyaasadda macneheedu waa qorshe, si kale ayaa loo fahmay, waa qorshaha loo dajiyo dalka, caafimaad ha noqoto ama tacliin ha noqoto ama dhaqaale ha noqoto ama wax kastaaba ha noqotee, siyaasadaas iney ka qeyb qaadato, waxa weeye waxa aad muhiim u ah, laakiin caqabadahaas aan soo tilmamaay ee is wada huwan ayaa horjooga, waxaase wax lagu farxo ah oo soo muuqda jaamacadaha gabdhaha ku jira ayaa ka badan wiilasha hadda wakhtigan imika”.Ayeey Tiri Xildhibaan Fowsiya.

Muddooyinkaan dambe Haweenka ayaa u ololeynaya sidii door muuqato ay ugu dhex yeelan lahaayeen Dowladda cusub ee la filaayo in dalka laga dhiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here