Firxadka Xarakada Al-Shabaab oo Ku Sii Qul Qulaya Puntland

Dagaalyhanada Alshabaab ee laga qabsaday Gobolada Koonfureed ayaa u firxaday Deegaanada Puntland Soomaaliya , sida ay ka dhawaajiyeen Madaxda Maamulka Puntland.

Taliyaha Booliiska Qeybta Mudug ee Puntland Col. Jaamac Maxamed oo wareysi siinayay Warbaahinta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahano ka tirsan alshabaab ay ku soo qul qulayaan deegaanada Puntland , kadib marki looga soo itaal roonaaday Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa qiray in dagaalyahano ka tirsan alashabaab ay gacanta ku dhigeen xili ay sii galayeen deegaanada maamulkaasi , isagoo xusay in kuwa kale ay wali ku jiraan deegaanada Puntland.

Maalintii shalay ayay ahayd marki Maamulka Puntland uu xukun ku riday Rag ay ku sheegeen inay ka tirsan alshabaab , waxaana muuqata cabsida soo food saartay maamulka Puntland Soomaaliya.

Madaxweyne Faroole ayaa dhawaan sidoo kale sheegay in dagaalyahano alshabaab ay soo galayaan deegaanada uu u hayo maamulka , isagoo caalamka ka codsaday inay siiyaan dhaqaalo iyo saanad milatari oo ay kula dagaalamaan shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here