Fiqi:Muhiimada Xukuumada Waa dib u dhiska Ciidamada XDS

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, oo shalay wax kasoo dhaweeyay Ciidamo tababar kusoo dhamaystay dalka dibadiisa, ayaa sheegay in xukuumada uu qaybta ka yahay ay muhiimada koowaad siineyso dib u dhiska Ciidamada qalabka sida.

Fiqi ayaa tilmaamay iney cadayn u tahay qiimaha weyn ee dowlada Soomaaliya u hayso ciidamada qalabka sida in maanta soo dahweynta ciidamadamaanta dalka soo gaaray oo ay  masuuliyiinta wasaarada iyo saraakiisha ciidanku garoonka ku sugayeen mudd dheer ilaa ay ka soogaaraan garoonka.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ee shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa gaaray in ka badan 500 (boqol) oo askari wasiirka ayaa ku booriyey ciidanka iney naftooda iyo dhiigoodaba u huraan shacabka Soomaaliyeed iyo difaaca dalkooda hooyo ayna la dagaalamaan cadowga umada Soomaaliyeed.

Doowlada Soomaaliya ayaa haatan dadaal xoogan ugu jirta sidii ay QM uqaadi lahayd cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si markale loo dhiso Ciidamada XDS islamarkaasna ay ula wareegaan amaanka dalka, iyo goobaha laga saaro Al-shabaab.

Inkastoo codsiga doowlada uu aqbalay Mareeykanka iyo xoghayaha guud ee QM Baan Kii Moon, hadana waxaa jira doowlado kasoo horjeeda qaadista Xayiraadaha hubka, sida Britain iyo faransiiska oo labudaba kamid ah xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka, islamarkaasna leh codka diidmada qayaxan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here