Fiqi:”Madaxweynaha ayaa na amray inaan toogano Askarigii kufsi gaysta”

C/xakiin Maxamuud Fiqi, wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, ayaa shalay waxa uu booqday furuumaha dagaalka gaar ahaan Shabeelada Dhexe, booqashada wasiirka ayaa salka ku haysay kormeerka xaalada ciidamada iyo digniin loo jeedinayay qaar kamid ah ciidamada oo dhibaatooyin ugaysta shacabka.

Wasiirka gaashaandhiga oo la hadlayey ciidamada xilli uu ku sugnaa deegaanka Qalimow ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu amray in la toogto askari kasta oo lagu helo fal kufsi ah isagoo sheegay in amarkaasi ay si rasmi ah u fulineyso wasaaradda gaashaandhiga.

“Dawlada waxay na amartay in la toogto askarigii dumar kufsada, iska ilaaliya inaad haweenka Soomaaliyeed dhibaateysaan” ayuu yiri wasiirka oo u khudbeynayey ciidamada.

Dhanka kale wasiirka gaashaandhiga ayaa ka dhawaajiyay in wixii hada ka danbeeya aysan xukuumada aqbali doonin in maleeshiiyad sita dharka ciidanka doowlada ay kusii dhex sugnaadaan goobaha ay maamusho doowlada.

“Waxaa jira kuwo wata dharka militariga oo aan ciidan ahayn, uma dulqaadan doono hada kadib” ayuu sii raaciyey wasiirka difaaca Soomaaliya.

Dhowaan ayaa madaxweynaha dawlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu khudbad uu jeediyey ku cadeeyay in askarigii dad dila iyo midka dumarka kufsada la toogan doono isagoo sidoo kalana ka digay in cafis loo weydiiyo askarta anshax xumada ku kacda ee ku jirta ciidamada dawlada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here