Fiqi:“Inkastoo nagala qaaday Xayiraada hubka hadana Ciidankeena wali ma helin hal Rasaas”

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Fiqi, oo wakaalada wararka Reuters ugu waramayay magaalada London, ayaa sheegay in inkastoo xayiraadii hubka laga qaaday Soomaaliya bilooyin kahor, hadana Ciidanka Soomaaliyeed aysan walis oo gaarin hal xaboo Rasaas ah.

Fiqi, ayaa sheegay in doowlada ay qorsheysay in 3 sano ee soo socoto lagu dhiso Ciidamo gaaraya ilaa 28,000 oo ciidan, laakiin doowlada aysan haysan dhaqaalihii lagu dar dar galin lahaa fulinta qorshahaas.

“…Inkastoo nagala qaaday xayiiraadii hubka 2 bilood kahor, hadana weli nama soo gaarin xabad rasaas ah, amah al AK47, sababo dhaqaalo xumo awgeed…” sidaa waxaa yiri wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Doowlada uu hada hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa iyadu u muuqata mid ku guuleysatay siyaasada arimaha dibada iyo ineey soo jiidato indhaha beesha Caalamka, QM ayaa 2 bilood kahor ka qaaday xayiraadii hubka, taasoo u suurta galineysa iney soo iibsato hub.

Ciidamada Soomaaliya ayaa ah kuwo tiro ahaan aad u yar hada, sidoo kale waa Ciidamo tabar daran oo aan hubeysneen, isuguna jira maleeshiyo beeleedyo iyo Ciidan doowladeed, kuwaasoo hada dagaal kula jira Al-shabaab.

“Ilaa iyo 4 bilood Ciidankeena wax weerar ah kuma qaadin fariisimaha Al-shabaab, waxay ahaayeen kuwo difaac isaga jira, sababtoo ah waxaa gabaabsi ah Rasaastii ay ku dagaal gali lahaayeen…” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga.

Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, ayaa iyagu kaalin weyn ka qaatay in Al-shabaab laga saaro magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kaloo waaweyn, laakiin kooxda halisteeda waa mid wali taagan, waxaana taas cadeyn u ah weeraradi dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, oo ay ku naf waayeen dad farabadan oo shacab ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here