Fiqi:Al-shabaab waxaa looga adkaan karaa dhalinyaro aan hurdeynin sida iyaga

Isagoo ka hadlayay Xaflad shalay loogu qabtay Hotelka City Place, ee magaalada Muqdisho, Axmed Macalin Fiqi, agaasimihii hore ee hay’ada Nabad Sugida Qaranka, oo dhawaan xilka iska casilay, ayaa waxa uu ka hadlay arimo la xiriira amaanka gobolka Banaadir iyo guud ahaan wadanka Soomaaliya.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa tilmaamay in magaalada Muqdisho ay suurtagal tahay in falal Aragagixiso oo lidi ku ah amaanka ay ka dhici karaan, sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu doowlada Federaalka ugu baaqay in arimahaas iyo digniinihii dhawaan kasoo baxay Britain ee sheegayay in Al-shabaab ay doonayaan ineey weeraro dhiig badan ku daato ka gaystaan Muqdisho aysan dhayalsan doowlada .

“Magaalada Muqdisho, oo bilihii ugu danbeyay soo kabsaneysay, in dadka reer Muqdisho ay shalay ku waa bariisteen maalin Cusub oo ka duwan maalmihii hore, kdib markii warbaahinta Caalamka iyo kuwa Soomaaliyaba ay qoreen in Al-shabaab meel gaba gaba ah marsiinayaan weeraro ay ka geystaan Muqdisho, waa arin dhab noqon karta, doowladeenana waa in si ficil ah ay uga jawaabto qorshaha ay Argagixisada damacsantahay” ayuu yiri agaasimihii hore hay’ada Nabad Sugida, Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi, oo hadalkiisa sii wata ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in lala shaqeeyo hay’ada Nabad Sugida qaranka, si ay wax uga qabato wax ka qabashada amaanka Muqdisho, oo uu tilmaamay in hada meel wanaagsan uu marayo.

“Waxaan kula dar daarmayaa shacabka in ay la sahqeeyaan hay’ada Nabad Sugida, iyo hay’adaha amniga booliska iyo milatarigaba, ineey ula shaqeeyaan si kal iyo laab ah, waxaa laga yaabaa in shabaabku ay ka faa’iideystaan is badalka dhacay, oo ay qofka cusub qal qal ku abuuraan” Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi, waxa kaluu sheegay in Al-shabaab aan Taangi iyo diyaarado wax looga qaban Karin, hase yeeshee waxa kaliya ee wax looga qaban karo ay tahay, in la abuuro dhalinyaro u shaqeeya qaabka ay iyaga u sahqeeyaan, islamarkaana tallaabta ay qaadaan lala qaado.

“Waxaan aaminsanahay ilaa iyo hadda shabaabka, inaan Taangiyo iyo diyaarado looga adkaan Karin, laakiin lagula dagaalami karo dhalinyaro iyagoo kale ah, oo sideey u fakarayaan yaqaana, oo maseexdaane aan seexaneen 24-saac soo jeedaya” ayuu yiri Agaasimihii hore ee hay’ada Nabad Sugida, oo shalays I rasmi ah xilka u wareejiyay.

Axmed Macalin Fiqi, oo xilkaan hayay mudo kudhow 2 sano, ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu wax badan ka qabtay mudadii uu xilka hayay xaalada amaan ee gobolka banaadir, iyo deegaanada ku xeeran, iyo sidoo kale in shaqadii hay’ada Nabad Sugida uu boorka ka jafay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here