Fiqi: “Xaalada Soomaaliya xiligana waa mid qatar ah”

FiqiC/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya ayaa sheegay xaalada Somaliya hada ay ku sugan tahay inay qatar tahay xilli todobaadkii la soo dhaafay Somaliya looga dabaal degay Todobaadka Xuriyada.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ayaa sheegay hadii aanan la helin Madax Somaliya ka samata bixisa dhibaatada dalka ka jirta hada in xaalada ay sii adkaan doonto.

Wuxuu sheegay qaranimada hada lagu naaloonaayo inay keeneen muwaadiniin Somaliyed oo sanado badan ka hor naftooda ku waayay dagaalka, balse hada marka la eego xaalada ay tahay mid aanan wanaagsaneyn.

“Halgankii laga sheekeeyay ee SYL, 13-kii dhallinyaro ay soo mareen maanta ayeey u baahan tahay in dib loo billaabo, Somaliya maanta meesha ugu qatarsan ayeey maraysaa runtii, waad maqasheen hadda sida looga sheekeeyay kala qeybsanaan, xuduudda la isku sameeyo, qabaa’il madaxweynayaal loo sameeyo, runtii Soomaaliya ceel bay kusii socotaa, inaan ka badbaadinno ayaa la rabaa, waa in dadkeena u istaagaan badbaadintaasi, haddii aanu dadkeenna u istaagin lama arki doono caruurteenna dhul ay ku faanaan, aanu ka wada shaqeynno qarannimadeenna iyo dowladnimadeenna, aan iska dhaafno hamiga siyaasadeed ee loo marayo waxyaabaha aan damiirta lahayn.” Ayuu yiri Wasiir Hore C/xakiin Xaaji Fiqi.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya ayaa ku booriyay Bulshada Somaliyed inay kacaan oo ay u dagaalamaan Qaranimada Somaliya.

Somaliya oo labaatan sano ka badan dagaalo ay ka socdeen ayaa weli waxaanan ka jirin xasilooni, iyadoo dalka uu u qaybsamay maamul Goboledyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here