Fiqi: “Talaabo Adag Ayaan ka Qaadi Doonaa Dadka iibiya Dharka Ciidamada”

Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in talaabo adag laga qaadi doono Dadka iibiya dharka ciidanka.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay inay ka warqabaan Suuqyada Muqdisho ee lagu iibiyo dharka ciidanka ee loo yaqaano Tuutaha, wuxuuna xusay inaan la isaga hari doonin arintaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin in dharka ciidanka lagu iibiyo suuqyada muqdisho, wuxuuna shaaciyay in talaabo laga qaadi doono dadka iibiya.

Wuxuu wasiirka xusay in la sameyn doono ciidamo dhar cad ah oo soo kormeera suuqyada lagu iibiyo dharka ciidanka, cidii lagu soo arkana waxaa laga qaadi doonaan talaabo adag.

” Dowlada hadii ay gacanta ku dhigto dadka iibiya dharka ciidanka talaabo adag ayaa laga qaadi doonaa, gacan bir ahna waa lagu qabanayaa ” waxaa sidaa yiri wasiirka gaashaandhiga soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Xukuumada Soomaaliya ayaa horey dhowr jeer digniin u dirtay dadka ka ganacsada dharka ciidanka, walina waxaa muuqata in ay dhag jalaq u siin hadalka xukuumada, waxaana wasaarada gaashaandhiga ay balan qaaday in talaabo adag ay ka qaadi doonaan dadkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here