Fiqi oo lakulmey Danjira Qamada Midoobey ee Soomaaliya

Wasiirka Difaaca Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdixakiim Xaji Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjira u fadhiya Qaramada Midoobey Magaalada Muqdisho.

Kulanka Mudane Fiqi iyo Agostina Mahiga ayaa waxa uu kadhacay Xafiiska Wasiirka Difaaca, waxaana lagu falanqeeyey horumarkii ugu danbeeyey ee dagaalada Soomaaliya ay ka sameeyeen Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Fiqi oo lahadlayey Warbaahinta wax yar kadib kulankooda ayaa waxa uu sheegey in ay ka arinsadeen sidii Dhaqan celin loogu helilahaa dhalinta ka soo baxsaneeysa Ururka Alshabaab.

Waxa uu sheegey in uu ka codsadey Taageero in laga siiyo dowladda sidii loogu abuuri lahaa Xirfado shaqo dhalintaan oo aan garaneeyn wax aan aheeyn Qori.

Ugu danbeeyntii waxa uu sheegey in haatan ay soo gaareen gacanta dowladda dhalin yaro gaareeysa illaa shan kuwaa oo isu soo dhiibey ciidanka dowladda kadib qabsashadii magaalada Jowhar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here