Fiqi “Ciidamadu Ma Heystaan Mushaar ku Filan iyo Raashin ay Qaataan”

Wasiirka cusub ee gaadhaandhiga Xukuumada Somalia C/xakiin Maxamuud Xaaji (Fiqi) oo la hadlayey laanta afka Somaliga ee VOA-da ayaa sheegay inay ka war qabaan duruurfo adag oo ciidamadu ku shaqeeyaan.

Fiqi waxa uu tibaaxay inay xaalada askartu tahay mid mushaar joogto ah qaata waxayse tahay mushaarkooda wuu soo daahaa waxaanse ku dadaaleynaa in mushaar joogto ah ay si dhaqsi ah uhelaan.

“Waxaan kuu sheegayaa in ciidamadu mushaar qaataan inkastoo sanadahaan dambe uu soo daahay,taasi waxa ugu wacan inay dawlada ahayd kmg hadase wax walbo dawlada go’aan ka gaari kartay mushaarna ay askartu heli doonaan si dhaqsi ah ayuu yiri Wasiirka gaashaandhiga”.

C/xakiin Xaaji Fiqi waxa uu tibaaxay in mar walbo ay ku dadaalayaan sidii niyada ciidamada loo wanaajin lahaa maadaama ay yihiin kuwii xoreynayey dalka iyo dadka somaliyeed.

Wasiirku waxa uu sidoo kale ka hadlay halkay marayaan qorshaha dagaal ee al shabaab looga soo horjeeday isagoo sheegay in waqtiyada soo socda ay cagta marin doonaan sida uu yiri al shabaabka wali kusugan deegaanada qaar.

C/xakiin Fiqi oo lagu xasuusto Xukuumadii Farmaajo inuu ahaa midkii xididada usiibay al shabaab ayaa waxa uu sheegay in mar kale xukuumadiisa ku guuleysan doonto ciribtirka kooxda al shabaab.

Hadalkan kasoo baxay wasaarada gaashaandhiga Xukuumada Somalia ayaa kusoo beegmeysa xilli al shabaab wajahayaan culeysyo badan oo kaga imaanaya ciidamada huwanta ee meelaha badan al shabaab ka qabsaday.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here