Fiqi: Amaanka Muqdisho wuu suganyahay

Agaasimaha Hey’ada Nabadsugida Dowlada KMG Soomaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in amaanka caasimada uu suganyahay, xilli qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayaan.

Wareysi uu siiyey mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayuu ku sheegay in ay socdaan dadaalo waaweyn oo wax loogaga qabanayo amaanka magaalada, isaga oo intaasi raaciyey in mar walbo ay qabtaan kooxo hub iyo walxaha qarxa wata.

“Shalay oo u danbeysay waxaa lasoo qabtay kuwo bambooyin watay, waxaa sidoo kale lasoo qabtay dhalinyaro wadatay bistoolooyin, marka runti si aad ah ayaa loola tacaalaa,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiyey hoobiyaasha lagu soo tuuro madaxtooyada oo ay Al Shabab  sheegtaan halka ay ka yimaadaan ayuu ku jawaabay in ay kasoo tuuraan duleedka caasimada.

“Waxaad ogtahay magaalada geesaheeda ayey kasoo qaadaan weeraro mararka qaarna si fulaynimo ah ayey hoobiyaal daqiiqado kooban uga soo tuuraan kadibna cararaan taasina waxay meesha ayey ka bixi doontaa marka aan si toos ah u qabsano duleedyada Muqdisho” ayuu yiri Fiqi.

Dadka qaar ayaa aaminsan in madaafiicda lagu garaaco madaxtooyada laga soo gano xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Duqeynti ugu danbeysay habeen hore ayaa loo geystay mana jirto cid sheegatay qaraxyadaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.