Fiqi: Al Shabab way ku fashilmeen dagaalka ee hubka ha dhigaano

Taliyaha ciidanka nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu baaqay Xarakada Al Shabaab in ay hubka dhigaan kuna biiraan dowlada KMG Soomaaliya.

Hadal uu ka jeediyey degmada Afgooye shalay ayuu ku sheegay in laga guuleystay Al Shabaab lana gaaray waqtigi ay dib ugu biiri lahaayeen dadka iyo dowlada sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leenahay kooxaha Shabaab waad guuldareysateen ee hubka iska dhiga soo dhawaada dadkiina iyo dalkiinana dib ugu soo biira, barnaamijki beenta ahaa ee ay wadeen wuu socon waayey,” ayuu yiri.

Fiqi ayaa ku adkeystay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab iyo howlgalada ay ku qabsanayaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

CIidamada dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Jimcihi lasoo dhaafay la wareegay gacan ku heynta magaalada Afgooye oo saldhig u aheyd Al Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.