Finland oo sheegtay ineey masaafurineyso qaar kamid ah qaxootiga Soomaalida

1028726548Hay’adda Socdaalka ee dalka Finland (The Finnish Immigration Authority (MIGRI) ayaa bilowday inay isku duwaan Wareysiyo Cusub oo lala yeelanayo Qaxootiga horey loogu oggolaaday inay Qaxooti ahaan ugu noolaadaan dalkaasi.

Wargeyska Hufvudstadsbladet (HBL) ee ka soo baa Caasimadda dalkaasi ee Helsinki ayaa ka soo xigtay Ilo aan la magacaabin oo ka tirsan Hay’adda MIGRI in Qaxootiga lagu celiyey Wareysiyadda inay haatan dhibaato kala kulmayaan Siyaasadda cusub ee Dowladda Finland ka soo saartay dadka Qaxootiga.

Barnaamijka Dowladda Finland ee Siyaasadda Qaxootiga, waxa uu laga bilaabay bishii December ee sannadkii hore ka dalbaday Hay’adda Socdaalka ee (MIGRI) inay kansal gareeyan Fasaxa Deganaanshaha dadka Qaxootiga, haddii aan loo sii baahnayn in muddo dheer la siiyo Magangelyo.

Madaxa Hay’adda Socdaalka ee dalka Finland, Matti Makarainen, ayaa u sheegay Wargeyska HBL in la kansal gareyn karo Heerka Qaxotiga haddii uusan qofka Qaxootiga badbaadin uga baahnayn dalkiisa ama dalkeeda hooyo.

Waxa kale oo uu sababaha kale ku sheegay haddii uu qofka Qaxootiga soo booqday dalkiisa kuna soo laabtay Finland iyo kuwa Wareysiyo qaldan horey u bixiyey u nugul yihiin in loogu soo masaafuriyo dalalkooda hooyo.

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay in la bilaabay Baaritaanadda si loo ogaado haddii loo baahan yahay inay weli sii jirto Badbaadada horey loo siiyey Qaxootiga,

“Inta badan waxa uu walaac ka jiraa dadka Qaxootiga ee ka yimid Iraq aa Somalia” ayuu sii raaciyey Matti Makarainen.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka Soomaalida ku nool dalka Finland, Arshe Saciid ayaa u sheegay Wargeyska HBL in 10 Qaxooti Soomaali loogu yeeray Hay’adda Socdaalka ee Finland (MIGRI)si dib su’aalo loogu weydiiyo.
Waxa uu intaasi ku daray inaan Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Finland dib loogu celin Karin dalkooda Hooyo.
Dhinaca kale, Wararka lala xiriira Tallaabadda ay Dowladda Finland dib su’aalo loogu weydiinayo Qaxootiga ku sugan dalkaasi ayaa soo baxday dhowr maalood kadib, markii ay boqolaal Magangelyo-doon dibadbaxyo ka hor dhigeen Xarunta Hay’adda Sodaalka MIGRO ku leedahay Caasimadda dalkaasi ee Helsinki.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland, Paula Risikko ayaa ugu baaqay Hay’adda MIGRI in si tayo leh loo dardar geliyo Hawlaha dib loo su’aalayo Qaxootiga horey loo siiyey Magengeliyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here