FIFA oo Muqdisho ku soo gabagabeysay tababar heer caalami ah

Khaalid Cali Cumar, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya
Khaalid Cali Cumar, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku soo gabagabeeyay tababar caalami ah oo soconayay muddo shan cisho.

Tababbarkan oo uu bixinaayay Ahmed El Shenawi oo ah khabiir u dhashay dalka Masar,waxaa ka qaybagalay 28 ka mid ah garsooreyaal u diiwaan-gashan xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Sagaal ka mid ah garsooreyaasha ayaa ah kuwo caalami ah oo FIFA u diwaan-gashan.

Wasiirka cayaaraha xukuumadda Soomaaliya, Khaliid Cumar Cali oo ka hadlay goobta tababbarka lagu soo xiraayay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in magaalada Muqdisho markii ugu horreysay FIFA ay tababbar caalami ah ku qabato.

Wasiirka ayaa xusay in kharas badan uu ku bixi jiray tababbarada lagu qabtay dalka dibadiisa, isagoona ammaanay khabiirka ka tirsan xafiiska horumarinta garsooreyaasha ee FIFA.

Wuxuu sheegay oo kale in Masar ay ka mid tahay waddamada sida weyn u caawiyay Soomaalida dhinac kasta.

Cali Siciid Guuleed Rooble oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin 25 sano kadib in dalka gudihiisa lagu qabto tababarkan oo kale.

Wuxuu intaas ku daray in ay qorsheynayaan sanadkan gudihiisa in tababarro kale lagu qabto gudaha dalka si loo hormariyo kubadda cagta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ahmed El Shenawi ayaa oo xafladda ka hadlay sheegay in kubadda cagta Soomaaliya ay sameyneyso horumar, isla markaana ay u baahan tahay in la taageero.

Wuxuu sheegay in filaayo in garsoorayaasha tababbarka la siiyay in ay uga faa’ideen doonaan garsoorayaasha kale ee Soomaalida.

Wuxuu sheegay oo oo kale ku faarxsan yahay inuu Muqdisho yimaado oo tababbar caalami ah uu ku qabto.

Waa markii afaraad oo tababarkan FIFA ay siineyso garsooreyaasha Soomaalida tan iyo sanadkii 2010-ka. Seddexda jeer ee kale ayaa lagu qabtay dalka Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here