FIFA oo laga yaabo in ay ganaaxdo Suarez

FIFA oo laga yaabo in ay ganaaxdo Suarez
FIFA oo laga yaabo in ay ganaaxdo Suarez

Kaddib markii xaley uu xiddiga kooxda qaranka Uruguay Luis Suarez uu qaniinay cayaar yahanka kooxda qaranka Italy Giorgio Chiellini.

Guddiga anshaxa xiriirka kubadda cagta adduunka ayaa maanta oo Arbaca ah kulan ka yeelan doona falka uu ku dhaqaaqay Suwaris, waxaana la aaminsan yahay in lagu ganaaxo in labo sanno uu cayaaraha caalamiga ka fadhiisto.

Garsooraha dhex dhexaadinaayay cayaartii Uruguay iyo Italy ayaan arkinka uu sameeyay Luis Suarez balse markii dib loo daawaday cayaarta ayaa la arkay seddax ilo oo ku yaalla Chellini.

Xulka Uruguay ayaa 1 iyo 0 uga adkaaday kooxda Itay oo ku cayaarayay 10 cayaartoyd.

Saraakiisha cayaaraha kubadda cagta adduunka ee dalka Brazil ayaa dib u daawaday muqaal Zuawares oo qaniinyo garabka uga dhaggan cayaar yahanka kooxda Iltay.

Waa markii labaad ee oo Suarez uu qaniino cayaaryahan.

Sannadkii hore ayey ahayd markii uu Zuwares uu qaniinyo ku dhagay difaaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic waxaana la ganaaxay 10 kulan.

25-jirkan ayaa iska difaacay eedeeha loo soo jeediyay, wuxuuna ku andacooday cayaar yahan in uu iska riixayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here