Fifa oo in kirtay in ay heshay dikuminti uu lee yahay Neymar

 

Fifa oo in kirtay in ay heshay dikuminti uu lee yahay Neymar
Fifa oo in kirtay in ay heshay dikuminti uu lee yahay Neymar

Waxaa ilaa hadda xal aan loo helin siddii uu ugu soo wareegay Neymar  kooxda Barcelona kaddib markii hey’adda maamusha kubadda cagta adduunka ee FIFA ay sheegtay in aaney heynin dikuminti arrintaas uu ku cadyahay.

Xaakim reer Spanin oo lagu magacaabo Pablo Ruz ayaa codsaday tiro dikuminti ah oo caddeenaya sidda uu cayaaryahanka 22-ka uga soo wareeray kooxda Santos ee dalka Brazil.

Ilaa hadda waxa aan lakala ogeyn bal sidda uu cayaaryahanka uga soo wareegay kooxda Santos, sidda ay lee dahay shirkadda Deloitte cayaaryahanka si madax banaan ayuu ula heshiiyay Barca.

Fifa ilaa hadda go’aan kama qaadan, balse xeer ilaaliye Ruz ayaa u diri doona warqadda maxkamadda Swiss si  awood loogu helo in la helo macluumaad iyo dikumintiyo muujinaya qaabka cayaaryahanka uga soo tagay Santos.

Neymar hadda waxaa ku soo kacay dhaawax ka soo gaaray anqowga kaasoo uu ka dhaawacmay kulan dhex maray kooxdiisa iyo Getafe, kana tirsanaa koobka del Rey bishii January.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here