FIFA oo ganaaxday Barcelona

FIFA oo ganaaxday Barcelona
FIFA oo ganaaxday Barcelona

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ganaax ku soo rogtay kooxda Barcelona ee dalka Spain.

FIFA ayaa sheegtay in muddo hal sanno ah aaney wax cayaartoy ah soo iibsan Karin kooxda, kaddib markii ay jabisay kooxda Spain sharciyada caalamiga ee lagu soo iibsado cayaartoyda ka hoseesa da’dooda 18-sanno.

FIFA ayaa waxa ay leedahay kooxda looma oggolaan doono in ay soo iibsato ciyaaryahan, heer qaran ah ama caalami, labada xilli ee la kala iibsado ciyaartooyda ee soo socota.

Sidoo kale waxay ku ganaaxday Barcelona iyo Ururka kubada cagta ee Spain in ka badan 500 oo kun oo doolar kiiba.

Mamnuuciyadan ayaa waxa ay sameen doontaa labada xilli ee la iibsado cayaartoyda ee soo socota.

Baaritaan lagu sameeyya kooxda Spain ayaa lagu ogaaday in ay cayaartoy dhowr ah oo culus in ay qaab aan fiicneen ula soo wareegtay intii u dhexeysay 2009 iyo 2013.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here