FIFA oo ganaax culus garka u galisay Real Madrid & Atletico Madrid

FIFA oo ganaax kusoo rogtay Real Madrid iyo Atletico Madrid
FIFA oo ganaax kusoo rogtay Real Madrid iyo Atletico Madrid

Naadiyada Xifaaltanka ba’an uu ka dhaxeeyo islamarkaasina halka magaalo kawada dhisan ee Real Madrid iyo Atletico Madrid, ayaa waxaa ganaax culus garka u galiyay FIFA.

Real iyo Atletico, ayaa waxaa laga ganaaxay ineeysan wax ciyaaryahan cusub ah diiwaan gashin karin 2 xili suuq ee fooda nagu soo haysa, balse waxaa loo ogolyahay in Suuqa hada furan ee Bishaan January ay diiwaan gashan karaan ciyaaryahano cusub.

FIFA, ayaa sidaan oo kale kal hore Barcelona uga ganaaxday ineey 2 xili diiwaan gashtaan ciyaaryahano cusub, kadib markii lagu helay ineey si qaldan kusoo qaateen ciyaaryahano da’ yar ah.

01_14141149_f77934_2641239a

Kooxaha ree Madrid ayaa lagu helay in ay si aan sharciga waafaqsanayn ula soo saxiixdeen ciyaartoy ay da’doodu ka yartahay 18 sano jir. Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa hadda bishan January awooda in ay ciyaartoy la soo wareegi karaan isla markaana ay diwaan gashan karaan laakiin suuqa xagaaga iyo bisha January ee 2017 ayayna wax ciyaartoy ah diwaan gashan karin.

“Guddida anshax marinta FIFA waxay xiyaraad ku soo rogtay kooxaha ree Spain ee Atletico de Madrid iyo Real Madrid kuwaas oo jabiyay diwaan galinta ciyaartoy ay da’doodu ka hoosayso 18 jir oo la xidhiidha suuqa caalamiga ah”.

“Labada kooxood waxaa lagu helay in ay jabiyeen waxyaabo dhawr ah oo la xidhiidha suuqa caalamiga ah waxayna marka hore diwaan galiyeen ciyaartoy yar yar sidoo kale waxyaabo kale oo la xidhiidha diwaan galinta iyo ka qayb qaadashada tartamada ee ciyaartoy gaar ah”.

“Labada kooxoodba waxay mari doonaan ganaax suuq kaas oo ka horjoogsanaya in ay wax ciyaartoy ah diwaan gashadaan heer qaran iyo heer caalami labada xili suuq ee soo socota oo isku xigta oo dhamaystiran kadib markii ay jabiyeen qodobada 5,9,,19 iyo 19bis iyo waliba 2 iyo 3 ad ee sharciga diwaan galinta xaalada ciyaartoyda. Ganaaxani wax saamayn ah kuma yeelan doono suuqa hadda (January) iyada oo suuqani uu ka hor furmay go’aanka waqtigii uu hirgali lahaa ee labada kooxood. Ganaaxani waxaa ka reeban kooxaha kubbda cagta xeebta iyo dumarka kamana hortagayo in ciyaartoy la siidaayo”.

“Intaas waxa dheer, Atletico Madrid iyo Real Madrid waxaa lagu ganaaxay lacago dhan CHF 900,000 iyo CHF 360,000(Atletico Madrid €821, Real Madrid €328,000.) sida ay ukala horeeyaan. Halka labada kooxood la siiyay digniin 90 maalmood ah si ay saxaan xaalada iyo ciyaartoyda ay khusayso”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here