Feysal Cali :Qofka doonayaa midnimada Soomaaliya waa qof ka baxay diinta Islmaaka Dhageyso

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Feysak Cali Waraabe, ayaa sheegay in cida kasoo kasoo horjeeda gooniisku taaga Somaliland uu la midyahay qof diinta Islaamka kasoo horjeeda.

Feysal Cali Waraabe, ayaa xili uu wareysi sinayay warbahin lagu mabagacaabo SBS kuna taala wadanka Australia,  ayaa waxa uu si kulul kaga hadlay gooni isku taaga maamulka Somaliland, iyo dadka ku howlan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen midnimada Soomaaliya.

Feysal Cali Waraabe, ayaa waxa uu ku tilmaamay iney isku mid yihiin qofka fidinaya dhaqanka ay caadeysteen qaar kamid ah dalalka Caalamka oo ah Kirishtanka iyo qofka doonaya inuu dib usoo celiyo midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale Waraabe yaa sheegay in qofka kasoo jeeda deegaanada Somaliland, hadii la arko isagoo ku baaqaya ineey Soomaaliya markale midowdo la toogto.

“Qofka fidinaya Soomaali weyn waa qof fidinaya diinta Kirishtanka, kana baxay diinta Islaamka” sidaa waxaa yiri gudoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe.

Mar uu wariyaha wareeysanayay Feysal weydiiyay qatarta uu leeyahay hadalka uu ka dhawaajiyay, ayaa waxa uu ku jawaabay sida tan.

“Adeey kugu weyntahay anaga naguma weyna adeer, waxaa jira wadamo ay manuuc ka ahayd shuuciyada, aduunkana waa ceeynkaas oo kale”.

Doowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyada dadaal ugu jirta, sidii ay dib ugu soo celin lahayd maamulka Somaliland, dhawaana waxaa lagu wadaa inuu dhaco kulan daba socda kulan ay horay u wada yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh iyomadaxweynaha mamulka Somaliland Siilaanyo.

Dhageyso Wareysiga oo Dhameystiran

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/faysalsbs.mp3″]

Feysal Cali waraabe, ayaa 9kii Bishan May warbaahinta qaar soo bandhigeen isagoo kulan casho ah la qaadanaya wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya, kaasoo ka qeyb galayay shirkii London, kaasoo looga hadlayay taageerada ay Beesha Caalamku siinayaan doowlada Soomaaliya.

Warbaahinta Soomaalida iyo tan Somaliland, ayaa kulanka uu gudoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe la qaatay wafdiga madaxweynaha siyaabo kala duwan uga hadlay, iyadoo masuul u hadlay maamulka Somaliland uu Feysal ku eedeeyay inuu sameeyay qiyaamo qaran uuna lahadlay madaxda doowlada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

4 COMMENTS

  1. Waar anigu ninkan wuxuu ku hadlo ma fahmo bisinka oo diintii islaamka ayuuba ku xadgudbayaaye. Somaliya waxay isku haysataa waa mabda,a laakiin diintu waa wax xaga illaahay ka yimid oo waajib ah waana waxa 5ta salaadood iyo caqiidooyinka kaleba la inoogu waajibiyay.Faysal qof diinta jaahil ka ah buu u egyahay waayo sidan uu wax u sheegayo isagaa denbi ugu suganyahay.Waar Somali qabiil bay isku haysataayee diin iskuma haysato S/L na reer waqooyigu ma wada aha ee hal qabiil baa tuurta ku sita weliga qof aan isaaq ahayn kama maqal magacaas markaa waa magac kooxeed ee ma aha wax kale diintuse sidaa way ka duwantaha ee odayga ha loo kala saar sheekada.

  2. isaga ha loogu hor toogto tuugan …….
    kan waxaan u malaynayaa inuu ka mid yahay dadka yurubta lagu taago Irbadaha..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here