Fernando Torres Oo Ku Guuleeystay Gool Dhalinta EURO 2012

Sida ay qortay Jariirarada “Sport” weeraryahanka kooxda Chelsea iyo Xulka Spain Fernando Torres ayaa loo doortay inuu ku guuleeystay Gool dhalinta tartanka EURO 2012 ee lagu soo gabagabeeyay wadamada Ukrine iyo Poland.

Torres ayaa xalay shabaqadaItalydhexdhigay Goolka 3-aad waxa uuna ahaa Goolkiisa 3-aad ee tartankan isagoo labo Gool horay uga soo dhaliyay XulkaIreland

Inkastoo Torres loo doortay inuu yahay xidiga ku guuleeystay Gool dhalinta tartankan hadane waxaa jira ciyaartoo farabadan oo ay isku Goolal yihiin waxaana kamdi ah (Mario Gomes,Alan Dzagoev,Mario Mandzukic,Mario Balotelli, iyo C.Ronaldo)

Sababta Torres uu ugu guuleeystay Gool dhalinta Euro 2012 ayaa waxay tahay baaskii qurxanaa ee uu xalay siiyay Juan Matta kaasoo dhaliyay Goolkii 4-aad eeSpain

Torres ayaa marka lala barbardhigo ciyaartoydan kale ee ay iskuu Goolsha yihiin waxa uu ahaa mid kasafasho yar oo badanaa waxa uu kusoo galayay badal marka laga reebo ciyaartiIrelandoo lagu soo bilaabay.