Fernando Torres oo ku biiray Kooxda Ac Milan

Torres

Weeraryahanka Fernando Torres ayaa waxay kooxda Chelsea ay xaqiijisay xalay inuu ku biiray Naadiga reer Talyaani ee Ac Milan waxaana uu xiddigaan gool gafaha noqday laga dhursugayaa waxa isbadal uu sameeyo.

30 sano jirkaan Fernando Torres ayaa labo sano oo amaah ah uciyaari doona Naadiga Ac Milan waxaana dadka qaar ee ciyaaraha daawada ay sheegayaan in Torres weli yahay laacib fursad in lasiiyo ubaahnaa.

Saaka oo sabti ah ayuu umaray Naadiga Rossoneri laacibka reer Spain ee Fernando Torres.

Garoonka Stamford Bridge ayaa waxa uu Torres ku noqday mid ku fashilmay xilli markii ay Chelsea kasoo iibsaneysay sanadkii 2011-kii Liverpool waxaana 110 kulan uu Chelsea Torres u ciyaaray Horyaalka Ingiriiska uu dhaliyey 20 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here