Fernando Torres oo iska waayey liiska xulka kubada cakta Spain

Tababaraha kooxda Chelsea Vicente Del Bosque ayaa magacaabay liiska ciyaartooyda xulka qaranka Spain isaga oo ka tagay weeraryahanka kooxda Chelsea Fernando Torres.

Spain ayaa la ciyaari doonta kulan saaxibtinimo xulka Venezuela Arbacada soo aadan ciyaartaasi oo ka dhici doonta magaalada Malaga ee cariga Spain.

Macalin Del Bosque  ayaa carrabka ku adkeeyey in uu wali jiri doono is badalo lagu sameyn doono xulka qaranka ka hor inta aanan la gaarin ciyaaraha tartanka Qaramada Yurub oo bisha June ay si wada jir ah u wada marti gelin doonaan dalalka Ukraine and Poland.

Waxa uu sharaxay sababta uu qaar ka mid ah laacibiinta Spain uu xulka ugu soo daray qaarnka uga soo tagay, isaga oo ku sifeeyey kuwa uu fursada siiyey inuu ku abaal mariyey horumarka ay sameeyeen iyo qaab ciyaareedka wanaagsan ee ay soo bandhigeen.

“Waa laacib aan aad u qadarino wayna i damqineysaa in aan ka tago isaga laakin aniga waan in aan cadaalada sameeyaa,” ayuu yiri Del Bosque.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Ugu danbeynti wuxuu  ugu baaqay in Torres loogaga baahanyahay inuu is badal sameeyo si uu fursad ugu helo inuu safto koobka Qaramada Yurub ee sanadkaan la qaban doono Euro 2012.

Torres oo ah 27 jir ayaa u dhaliyey kooxda Chelsea afar gool oo qura 29 kulan oo uu u ciyaaray xilli ciyaareedkan.